Gunaanad (Ummulraac)

Cover of Gunaanad (Ummulraac) by Cabdulqaadir C. Diini
Year: 2021
Language: so
Pages: 258
ISBN-13: 9781912411306
Dimensions:
Height: 8.5 Inches
Length: 5.5 Inches
Weight: 0.72973008722 Pounds
Width: 0.58 Inches
Editorial overview Touché

Gunaanad (Ummulraac) by Cabdulqaadir C. Diini, published by Looh Press Limited on August 2, 2021, is a compelling narrative that delves into the complexities of love and relationships within the context of family dynamics. This edition, written in Somali and spanning 258 pages, presents a story that intertwines real-life events with emotional depth, exploring the struggles faced by a couple, Samatar and Ilwaad, as they navigate the challenges of building a family amidst unforeseen conflicts.

Readers will find a rich exploration of themes such as drama, love, and the intricacies of familial relationships. The narrative captures the emotional rollercoaster experienced by the protagonists, highlighting moments of joy and sorrow as they confront societal pressures and personal trials. The story unfolds through various stages, evoking a range of emotions that resonate with the reader, from moments of happiness to instances of conflict. This book offers a poignant reflection on how love can endure despite adversity, providing insight into the societal norms surrounding relationships in their community.


Official synopsis Publisher

“Lafo-gureyaaasha suugaantu haddii ay murugo iyo maad sheekooyinka u qaybiyaan, tani qaybta murugada ayay ku abtirsataa. Waxay ka mid tahay sheekooyinka nooca haddaad bilawdo aadan awoodi karin inaad joojiso. Waa sheeko dhacday oo qofkii ay la soo gudboonaatey qudhiisu u qalinka u qaatay, dabadeedna inoo soo bandhigay, iyada oo si dhab ah dareenkiisa u xanbaarsan. Bog waliba inaad u gudubto bogga xiga ayuu kugu marti-qaadayaa ilaa saacadaha qaarkood aad ku hurdo-seegto! Sannadkii 2010kii ayaan kansho u helay iyada oo aan daabacnayn inaan akhriyo, runtiina waxaan dareemay ilmada qoraagu inay bog walba ku daadanayso, markaas baan aniguna la ilmeeyey!”

– Axmed F. Cali “Idaajaa”

Sheekadani waxay akhristaha u soo gudbinaysaa dhacdo dhab ah. Samatar iyo Ilwaad waa lammaane is jecel oo waayuhu kala geeyey, halgan adagna u galay sidii ay maruun qoys u yagleeli lahaayeen. Colaad iyo dagaal aanay fileyn ayaa uga yimid, xidid iyo xigaalaba, kuwii ay tabantaabada iyo hiilka ka dhowrayeen. Geed dheer iyo mid gaabanba waxay u fuuleen sidii ay isu seejin lahaayeen. Waa qiso is rogrogeysa oo kacaa-kufeysa, hadbana dhan kaa soo galeysa, kuna laabkicinaysa. Waxay maraysaa heerar iyo marxalado kala duwan. Mar way ku hiyi kicinaysaa oo dareen ayey kugu abuuraysaa, marna waa kaa caraysiinaysaa oo dagaal ayey ku gelineysaa. Kol inay kaaga ilmaysiiso ayaa la arkaa, marna inay ku farxadgeliso.

Mar waxay ku dhadhansiinaysaa macaan aad muudmuudsato, marna kharaar aad isla markiiba soo tufto. Waa dhacdo in wax lagu qaato mudan, dhinacyo bandanna taabaneysa. Waxay si gaar ah wax uga iftiimineysaa sidii ay bulshadeennu ula dhaqmi jirtey lammaane is jecel, gaar ahaan kuwii xaaladdooda dhaqaale iyo midda bulsho aaney isku midka ahayn ee ay kala duwaneyd. Sidii loo arki jirey wiil danyar ah oo hawaysta gabar reerkoodu ladan yahay.

FAQ
What is “Gunaanad (Ummulraac)” about?
This page includes the available description and bibliographic details for “Gunaanad (Ummulraac)” by Cabdulqaadir C. Diini. Synopsis preview: “Lafo-gureyaaasha suugaantu haddii ay murugo iyo maad sheekooyinka u qaybiyaan, tani qaybta murugada ayay ku abtirsataa. Waxay ka mid tahay sheekooyinka nooca haddaad bilawdo aadan awoodi karin inaad joojiso. Waa sheeko…
Who is the author of “Gunaanad (Ummulraac)”?
“Gunaanad (Ummulraac)” is credited to Cabdulqaadir C. Diini.
When was “Gunaanad (Ummulraac)” published?
Publisher: Looh Press Limited. Year: 2021.
What is the ISBN for “Gunaanad (Ummulraac)”?
ISBN-13: 9781912411306.
What are the book details (language, pages, edition)?
Language: so. Pages: 258.

Related Books by Topic